Idrettspatruljen booqashada guriga
Miyuu ilmahaaga iyo/ama qof dhalin yar doonayaa inuu ka qayb qaato ciyaaraha gudaha Stavanger?
Miyaad haysaa ilmo ama dhalinyaro doonaya inay ku bilaabaan ciyaaraan, laakiin aan garanayn halka laga helo macluumaadka ama sida loogu bilaabo qaabka u wanaagsan? La xidhiidh Idrettspatruljen wixii booqashada ah!
Waxaa jira 150 kooxood oo ciyaarood in ka badan 60 ciyaarood oo kala duwan gudaha Stavanger. Si kastaba ha ahaatee, in kastoo ay jiraan wax ka badan inta ku fulan oo uu qof kastaa helo, uma fududa qof kasta inuu ku soo biiro. Waxay noqon kartaa dhib in la ogaado waxa la filayo iyo sida shay kasta loo qabto ka hor ku biirida kooxaha ciyaaraha.
Idrettspatruljen waxay cawisaa dhisida xidhiidhka hore ee u dhexeeya qoysaska iyo kooxaha ciyaaraha. Tan waxaa lagu sameeyaa si loogu fududeeyo carruurta iyo dadka da’da yar si ay u qaataan ciyaaraha.
Sidee loola xidhiidhaa Idrettspatruljen?
Si fudud ula xidhiidha Idrettsrådet (Gollaha Ciyaaraha) lambarka 4000 23 99 ama post@idrettsraadet.no
Waxaanu haynaa mutadawaciinta kuwaas oo ku hadl aluqaddo badan, markaas haddii aad doorbidayso inaad ku hadasho luqaddaada, noo soo dir iimayl oo qof luqaddaada la mid aha yaa kula soo xidhiidhi doono.
Waa maxay tallaabada xigtaa?
- Waxaa kula soo xidhiidhaysa rettspatruljen halka aanu ka habbauno kullanka soo bandhiga soo jeedinta kala duwan siiba waxay siisaa macluumaadka dheeraadha ah sida shaqada ciyaaraha Noorway. Si wada jir ah waxaanu u helnaa ciyaaraha iyo kooxaha ciyaaraha ku habboon qoyska oo ka dib waxaanu la soconaa kooxda la xidhiidha si loo xaqiijiyo saacadaha tababarka iyo dadka la xidhiidhayo.
- rettspatruljen waxay dejisaa xidhiidhka u dhexeeya naadiayda ciyaaraha iyo qoyska.
- Marka aad go’aan ku gaadho ciyaarah xiisaha, rettspatruljen waxay caawisaa u habbaynteeda qoyska oo waxay sidoo kale kuu raaci doontaa adiga kullanka koowaad ee tababarka, haddii ay lama huraan tahay.
Waa maxay qiimaheedu?
Qof kasta oo ka qayb gala ciyaaraha, waa inuu bixiyaa kharashka xubinimada si lo odaboolo caymiska iyo qiimaha waxa uu u xidhan yahay nooca ciyaaraha iyo naadiyada ciyaaraha. Haddii ay jiraan dhibaatooyin badan ee daboolida kharashka ee samaynta ciyaaraha, Idrettspatruljen waxay caawin kartaa helida xalalka lacag bixinta oo waxay bixisaa macluumaadka ku saabsan kaabida lacageed ee kala duwan ee la codsan karo.
Ma taqaanaa qofkasta oo ka faa iidayso booqashada barta ‘Sports Patrol’ si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo kaa caawiya sidii aad u bilaabi lahayd koox isboorti?
Iyaga tixraac noo, u dir xiriiriye boggan ama soo dejiso buugga yar si aad u siiso HALKAN