Idrett+ (Ciyaaraha+) waxay laga bilaabo 2002 ka shaqaysay inay fudaydin u samayso carruurta iyo dadka dhalin uarada ah ee qab baahiyaha gaarka ah. Shaqadan waxay noqotayt qayb ka mid ah waxyaabaha Gollahu u heelan yahay inuu ka guul gaadho hadafka ee “ciyaaraha qof kastaa ka qayb qaato”. Gollaha ciyaarahu waxa uu ka caawiyaa kartida/la socodka xirfadeed oo waxa uu leeyahay kaabbida shaqaal ee kooxaha ciyaaraha ee kara oo sameeya dedaalo dheeraad ah oo loogu talo galay kooxaha yoolka la saarayo.
Hadafka ugu wayh
In la siiyo carruurta iyo dhalin yara baahida dheeraadka ah qaba taageero/caawimada soo jeedinta runta ah ee hawlaha ciyaaraha
- Kooxaha yoolka la saarayo
- Carruurta aan firfircoonayn iyo dhalin yarada
- carruurta iyo dhalin yarada leh dhaqanka aan la rabin
- dadka qaxootiga ka soo heed, gaar ahaan hablaha
- dadka naafada ah (carruurta/dadka dhalinta yar iyo dadka waa wayn) kuwaas oo u baahan ka warhayn dheeraad ah
- dadka qaba dhibaatooyinka lacag bixinta.caqabadaha dhaqaalaha si ay uga qayb galaan hawlaha ciyaaraha
Hindisayaasha gaarka ah
Kooxaha ciyaaraha waxay haystaan fursada ay kula shaqeeyaan kuwa kala duwan, hindisayaasl yoolka la saarayo dhanka kooxaha yoolka. Waxaa jira hindisayaal gaar ah sida Idrett & Utfordring oo loogu talo galay dadka la magacaabay, iyo hindisayaasha qof kasta u furan, tusaale Hoolka Furan.
Tusaalooyinka hindisayaasha waa:
- Tababaraha baahiyaha gaarka ah: qofka ka masuulka ah hawl fududaynta shaqsiyaadka qaba baahiyaha gaarka ha
- Isku xidhka shabakada
- xuquuqha moduuca leh Sport + mowduucyada
- hindisayaasha loogu talo galau hablaha muhaajiriinta ah
- kooxaha muhaajiriinta ah
- hawsha dadka qaba naafanimada
- hawl fududaynta dhaqaale ahaan kuwa tabaalaysan
Ururka
Idrettsrådet (Gollaha Ciyaaraha) waxa uu ka masuul yahay Idrett+ shaqada gudaha Stavengar oo waxay bilaabi doonaan oo hagayaan kooxaha ciyaaraha gudaha shaqada, laakiin kooxda ciyaaraha lafteeda waa inay heshaa qaabkeeda iyo qiyaasaha ay kooxdu u aragto inay aad ugu habboon yihiin gudaha haykalka iyo heerka qiimaynta la dejiyay.
Dhowr shabakadood oo kartida/waayo aragnimada gudaha shaqada ayaa la dhisay, kaas oo kooxaha ciyaaraha ay ka faa’iidaan labbadaba gudaha iyo qaranka ahaanba.
Maalgelinta
Qorshaha waxaa maalgeliya Degmadda Stavanger, Wasaarada Dhaqanka iyaddoo maraysa Guddida Olombiga iyo Olombiga naafada iyo Ururka Ciyaaraha, iyo ciyaaraha maalgelintooda ee loo isticmaalo gollaha ciyaaraha iyo kooxda ciyaaraha. Waxaa jira heerka hagitaanada iyo heerk qiimaynta ee sida Idrettsrådet ay u qiimaynayso hindisayaasha kala duwan ee dedaalad adaga ah.
Nagala Soo xidhiidh
Naadigaagu miyuu doonayaa inay bilaabaan hindise ciyaareed? Fadlan nala soo xidhiidh wixii macluumaad dheeraada ah, ama si toos ah isticmaal liiska hoose. Kooxaha ciyaaraha raba inay noqdaan kuwa “wayn” ee “Idrett+ shaqada waa inay nala soo xidhiidhaan muddada wejiga qorshaynta, maadaama aan caawino la talinta iyo hawl fududaynta. Maalgelinta ku bilowga hawl ee dhaqaale waxaa lagu abaal mariyaa haddii kooxda ciyaarahu ay doonayso inay wax ku filan samayso gudaha Idrett+.
Maxay la macno tahay in qayb laga noqdo kooxda ciyaaraha gudaha Norway?
Halkan waxaad ka heli kartaa buug yaraha ”Bli med” ku qoran 9 luqaddood oo kal duwan. Tani waxay siisaa dadka ka yimid wadamada kale iyo dhaqamada fahanka waxay u eegtahay inay kooxda ciyaaraha galaan gudaha Norway (ee ku saabsan xuquuqda, waajibaadyada, filashooyinka, iwm.).
Kooxaha ciyaaraha ee ku tabaruca/waxay ku tabaruceen Idrett+
Bratte Rogalands Venner, Brodd IL, Cross Bowlingklubb, Dingo Bokseklubb, Engøyholmen Ro & Råseillag, Frisinn SK, Friskis & Svettis, Glad Trim Internasjonal, Hafrsfjord Pistolklubb, Ishockeyklubben Stavanger, Hillevåg Turnforening, Hinna FK, Hinna Håndball, Hundvåg FK, Hundvåg HK, KFUM, Madla IL, Madla Svømmeklubb, Nord-Jæren Sportsdanseklubb, Revheim Rugbyklubb, Rogaland Rideklubb, IL Skjalg, Ishockeyklubben Stavanger, Stavanger Badmintonklubb, Stavanger Baseball/Softballklubb, Stavanger Basketballklubb, Stavanger Beachvolleyballklubb, Stavanger Bordtennisklubb, Stavanger Bowlingklubb, Stavanger Bueskyttere, Stavanger Capoeiraklubb, Stavanger Danseklubb, Stavanger Fekteklubb, Stavanger Golfklubb, Stavanger Innebandyklubb, Stavanger IF Fotball, Stavanger Ishockeyklubb, Stavanger Judoklubb, Stavanger Ju Jitsu Klubb, Stavanger JuShinkan Aikido, Stavanger Kajakklubb, Stavanger Karateklubb, Stavanger Kunstløpklubb, Stavanger Miniatyrskytterlag, Stavanger Orienteringsklubb, Stavanger Pistolklubb, Stavanger Roklub, Stavanger Rugbyklubb, Stavanger Seilforening, Stavanger Skytterlag, Stavanger Styrkeløftklubb, Stavanger Svømme Club, Stavanger Taekwon-do Klubb, Stavanger Tennisklubb, Stavanger Turnforening, Stavanger Undervannsgruppe, Stavanger Vektløfterklubb, Storhaug Rideklubb, Sunde Innebandyklubb, Svithun Biljardklubb, Sør-Vest Kendoklubb, Tasta Turn, Tasta IL, Tastavarden HK, Uburhedleren Fjellsportlag, Vardeneset BK, FK Vidar, Viking FK, Viking HK, Viking Hockeyklubb.
‘Fadlan nala soo xidhiidh haddii kooxdaada ciyaarahaaga ay ku tabarucday laakiin aan halkan lagu sheegin
Foomka codsiga
Waa suuragal baan in la codsado deeqaha lacageed sanadka dhexdiisa.