Nagu saabsan anaga

Maxa tahay Idrettsrådet (Gollaha Ciyaaraha)?

Idrettsrådet waa qaybta Olombiga Norway iyo Guddida Naafada olombiga iyo ururka ciyaaraha (NIF). Ugu badnaan dhammaan degmooyinka Norway waxay leeyihiin gollaha ciyaaraha. Gudaha Stavanger, waa Gollaha Ciyaaraha Stavanger leh doorkan. Waxaanu nahay qaybta adeega ee kooxaha ciyaaraha gudaha degmadda Stavanger, oo leh ugu dhawaan 40,000 oo xubnood oo ka mid ah 160 naadi iyo kooxo gudaha Stavanger, siiba 17,000 oo xubnood oo ku jira shirkada ciyaaraha. Waxaanu ka sahqaynaa hawlaha muhiimka ah ee soo socda:

  • u shaqaynaa xaaladaha suuragal ahaan ugu wanaagsan ciyaaraha gudaha degmadda
  • awood siinaa doorka iyo xaaladaha haykalka gudaha bulshadda maxaliga ah
  • noqonaa goobta kullanka iyo meesha horumarka xaga isgoyska dadka waynaya iyo shaqada mutadawaca
  • Nahay goobta wada shaqaynta u dhaxaysa kooxaha iyo masuuliyiinta degmadda
  • ahmiyado siinaa anagoo matalayna kooxaha ciyaaraha
  • qornaa oo muujinaa qaqybta maxaliga ah ee ciyaaraha

 

 

Iyaddoo kooban, tan macnaheedu waxa weeye in gollaha ciyaaraha uu ka qayb qaadan doono horumarinta guud ahaaneed ee ciyaaraha gudaha degmadda oo hubiyaha siinta kala duwan ee xubnaha iyo mujtamaca.

Sida linkiga u dhexeeya kooxaha ciyaaraha iyo degmadda, xidhiidhka u dhexeeya kooxaha ciyaaraha iyo degmadda waa inay maraan Idrettsrådet. Tani waxay noqonaysaa mid yar qalafsan xaalada qaarkood, laakiin waxay inta badan noqotaa mida ugu degdega badan si loogu helo jawaabo su’aalahaaga. Waxaanu ku jawaabi karnaa in badan, ama waxaanu garanaynaa cida ku jawaabi karta oo halkaasna waxaanu kuu siinaa hagitaanka si toos ah. Idrettsrådet waxay iskaashi wanaagsan oo dhow la leedahay degmadda Stavanger. Xidhiidhka ugu badan waxaanu la leenahay waaxda ciyaaraha, laakiin sidoo kale waxaanu la shaqaynaa waxaakadaha/waaxaha ku jira degmadda siiba siyaasiyiinta.

Idrettsrådet Stavanger waxay leedahay saddex shaqaale wakhti buuxa iyo kuwa nusgelin shaqeeya, oo xafiiskeedu wax auu ku yaalaa Hansons Minde, oo ku xigta Stavanger Idrettshall iyo Huteelka Scandic Forum oo ku yaala Tjensvoll.

Bandhigyada Idrettsrådet Stavanger

Shuruucda Idrettsrådet Stavanger (2019)

Wada shaqaynta gobolka

Gollayaasha ciyaaraha gudaha Stavanger, Sandnes, Sola iyo Randaberg waxay leeyihiin kooxda xidhiidhka gobolka. halkan gollaha ciyaaraha waxay ka wada hadli karaan arrimaha guud, wadaagaan waayoa ragnimada iyo suuragala haan arrimaha guud ahaan xaadirka ah ee ka shaqeeya ciyaaraha.

Kooxda xidhiidhka dib aya aloo dhisay iyaddoo la aqoonsayay in ciyaaraha xaga Nord-Jæren ay wadaageen caqabadaha oo ka wada shaqayn karaan xalalka wada jirka ah. Tan gaar ahaan waa run aagaga loogu talo galay xarumaha, laakiin sidoo kale arrimaha kale ee la xidhiidha.

Folkehallene (http://folkehallene.no/) waa tusdaalaha wanaagsan ee waxa kooxda xidhiidhku kala shaqaysay.

Scroll to Top
Scroll to Top